London oo Siweyn Looga Xusay Sanad Guuradaii 42 Aad Ee Aasaaska TPLF
London (estvlive) 19/02/2017
Waxaa magaalada London lagu qabtay Munaasabad Sanad-guuradii 42-aad Aaska Halgankii TPLF Ayaa xaleyto Si Heer Sare Ah Looga Xusay Magaalada London.
Xafladaasi Sanad Guuradan Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Madaxda Masuuliyiin sare oo ka socda Safaarada Itoobiya ee UK oo uu hogaaminayo Safiirka iyo Hogaamiyaasha Jaaliyadaha Dalka Itoobiya ee UK
Safiirk Ayaa Sheegay In Maalintan Aas Aaska TPLF Aysan Ahayn Xus Kaliya ah Balse Ay Tahay Maalin Aan Ku Faantamayno Islamarkaana Dhaxal Gal U Ah Jiilka dambe ee Dalka Iyo Wadamada Afrikada iyo Sida Ka Go’naanshaha Leh Ay Naftoodu Ugu Hureen Sidii Itoobiya Ay Noqon Lahayd Wadan Dimuqraadi, Nabadgaliyo Iyo Horumarba Leh.
Munaasibada Ayaa Lagusoo Bandhigay Fariimo Gudbinayay Sidii Ay Halganka U Bilaabeen TPLF, kaligii taliskii Cadaadiskii adnaa ee Dergiga, Ururka TPLF Naftooda u Hurayaashii, Shacabka Itoobiya maanta waxey heleen dimuqraadiyad.
Waxaana Kasoo qeybgalay Jaaliyadda DDSI ee UK Waxaana Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Mudane Cali Taqal oo sheegay in jaaliyadda ddsi ee UK ay gaashaan u tahay jiritaanka midnimada iyo wada noolaashaha qowmiyadaha dalka itoobya ayna garab taagan tahay markasta.
Waxaa kaloo hlkaasi lagu soo bandhigay Muqaal ka turjumayo halkamayaashi TPLF iyo Sawiro (In Kabadan 60 Kun oo Laxaadkooda waayay) TPLF Ayaa Lagu Aas Aasay Deegaanka Dedabij Ee Tigrey, Waxaana Lagu Bilaabay 10 Nin Iyo 5 Qori Oo Rifle Ah Taariikhdu Markay Ahayd 1967-Dii Tirsiga Dalka Ama 1975-Tii G.C Halganka TPLF Oo Ahaa Mid Aad U Khadhaadhaa Ayaa Horseeday In Dhamaan Itoobiya Laga Takhalusiyay Cadaadiskii Iyo Cabudhintii Dergiga Taasoo Ay Dhamaan Shucuubta Itoobiya Halmeel Uga Soo Wada Jeesteen Sida EPRDF Iyo Ururadii Ku Midoobay Halgankaasi.
Ugu dambeyntii, Xafladaasi ayaa waxaa ku soo gabagabooday Guul iyo Farxad
Comments are closed