kulankaa ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka ganacsiga iyo gadiidka DDSI ahna madaxa arimaha XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, ku simaha hogaanka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI mudane general Cabdiraxmaan Cabdilahi Buraale, saraakiil sare oo ka socday taliska ciidamada qaranka qaybta koonfur bari itoobiya, gudoomiyayaasha gobolada Faafan, Jarar, Doolo iyo Siti iyo masuuliyiin ka socday soomaliland oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo ay ku wehelinayaan saraakiil ka socoday hay’adaha amaanka somaliland iyo gudoomiyayaasha gobolada somaliland ee xuduuda la leh dalkeena itoobiya.
Waxaana furitaankii kulankan wadatashiga ah ka hadlay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ahna madaxa arimaha X.D.SH.S.I mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo sheegay in uu kulankani yahay mid joogta ah ujeedadiisuna tahay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee dhinacyada nabadgalyada, la dagaalanka ganacsiga sharci darnada ah, daris wanaaga iyo xoojinta isku socodka labada shacab ee walaalaha ah ee itoobiya iyo somaliland. wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya dalka itoobiya iyo somaliland oo ah mid xoogan islamarkaana uu kulankani uu yahay mid diirada lagu saarayo waxqaadkii wada shaqayneed ee bilihii la soo dhaafay ka dhexeeyay somaliland iyo itoobiya.
Dhinaca kale waxa kulankaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo sheegay in uu kaulnani yahay mid lagu xoojinayo xidhiidhka iskaashi ee wada shaqayneed ee ka dhexeeya itoobiya iyo somaliland gaar ahaan dawlad deegaanka somalida itoobiya iyo somaliland si looga hortaga wax kasta oo wax yeelayn kara labada shacab ee walaalaha ah. wasiiru dawlaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay xidhiidhka wanaagasan ee iskaashiga ee dhinacyada daris wanaaga, nabadgalayda iyo adkaynta iskaashiga ganacsiga sharciga ah ee ka dhaxeeya itoobiya iyo somaliland.
Kulankaasi waxaa si qoto dheer loogu qiimanayaa waxqabadkii bilihii la soo dhaafay ee dhinacyada iskaashiga hawlaha daris wanaaga, xoojinta xidhiidhka nabadgalyada , adkaynta ganacsiga sharciga ah iyo guud ahaan xaaladaha gobolka.
Comments are closed