Kim Jong Nam ayaa markii hore loo maleenayey inuu u dhintay Wadnaha oo istaagay balse waxaa maalmihii lasoo dhaafay baaritaan lagu waday meydkiisa oo weli yaal dalka Malaysia.
Dowlada Malaysia ayaa sheegtay inay baareyso qaabka suntan VX lagu soo geliyey dalkeeda, waxayna hay’ada Interpol ka codsatay in ay kala shaqeyso sidii lagu soo qaban lahaa 4 qof oo u dhashay dalka Kuuriya Waqooyi oo weli la baadi goobayo.
Kuuriya Waqooyi ayaa codsatay in lagu soo wareejiyo meydka ninkan balse dowlada Malaysia ayaa siideynta Meydkaasi ku xirtay inay yimaadaan qoyska ninkaasi isla markaana keenaan cadeynta DNA.
Waxaa iyagu gacanta lagu hayaa labo haween ah oo iyagu ahaa kuwa sunta ku shubay Kim Jong Nam xili uu ku sugnaa Madaarka caasimada Malaysia ee Kuala Lumpur. Waxaa isagana la qabtay nin u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay inuu goobta ku sugnaa xilka weerarka uu dhacay.
Comments are closed