kal-fadhigii Caadiga ahaa Ee Golaha Dhexe Ee XDSHSI oo Jigjiga Ka furmay Maanta
Jigjiga (estvlive) 24/02/2017
Waxaa si rasmi ah hoolka shirarka ee kaali2 uga furmay kulankii caadiga ahaa ee golaha dhexe ee XDSHSI oo lagu qiimaynayay waxqabadyada qorshayaashii udhignaa xisbiga iyo xukuumada 6dii bilood ee lasoo dhaafay.
Halgankii ciidamada difaaca qaranka ee dalkeena iyo ciidanka booliska gaarka ah ee deegaankeenuba ay naftooda, maalkooda iyo dhiigoodaba ugu huraan nabada deegaanka iyo guulihii taariikhiga ahaa ee ay kasoo hoyiyeen
Boardiga taakulaynta gaarka ah ee heer federal sida uu ucaawiyo DDSI
Wasaaradaha heer federaal sida ay ucaawiyaan xafiisyada heer deegaan ee dhigooda ah
Kago’naanshaha dawlada federalka ah oo tusaale loogu soo qaadan karo socdaalkii taariikhda galay ee uu raisal wasaaraha dalkeena mudane Hailemariam Desalegn kuyimid deegaankeena oo uu kujoogay mudo 3 cisho iyo 2 habeen ah isagoo dadkii ay abaartu saamaysay ugu tagay goobihii ay kusugnaayeen sida gaashaamo iyo jawaab bixinta degdega ah ee dhinac walba ay dawlada federalka ah ee dalkeenu lagarab taagan tahay deegaanka.
Dhanka kale, waxay golaha dhexe ee XDSHSI islaqaateen in deegaanka ay kajiraan shaqooyin natiijo keenay oo ay kamarag-kaceen shacabka DDSI dal iyo dibadba, dawlada federalka ah oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalkeena, boardiga taakulaynta gaarka ah ee dalkeena, ciidamada difaaca qaranka, xafiiska EPRDF iyo caalaamkuba marka laga eego dhinaca horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban ee guud ahaanba maanta kajira deegaankeena marka labar-bardhigo 7sano kahor siduu deegaanku ahaa.
Sidaasdarteed, ayaa wuxuu goluhu codbuuxa iskulaqaatay in si loo sii wado shaqooyinkaas iyo kuwo kale oo muhiim ah in habeen iyo maalinba loo adeego shacabka deegaanka iyadoo laladagaalamayo qodobadan khatarta ku ah kamidho-dhalinta waajibaadyada shaqo iyo jiritaanka xisbiga iyo xukuumada si aynaan dib uga noqonin halka aan maanta taaganahay una gaadhno higsigeena fog. waxaana kamid ah:
Iskusoo wada duuboo, golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay in si loo sii wado isbadalkan markhaati-madoo nka ah ee kahanaqaaday deegaanka ay sii dardargalinayaan qodobadan hoos kuqoran:
In si nabadgelyada deegaankeenu unoqoto mid waarta oo aan dib unoqosho lahayn lasii adkeeyo tabihii ladagaalanka xagjirnimada islamarkaana ay waajib tahay in si aysan ururada xagjjirka ahi uhawaysanin inay soo galaan deegaankeena laga hortago
Inay sii xoojinayaan shaqooyinkii kudayashada mudnaa ee dal iyo dibadba lagaga tirtiray Ubbo
Ugudanbayna, golaha ayaa balanqaaday inay shacabka ugu adeegayaan si kago’naanshiiyo iyo dareen wadaniyadeed leh si ay uga midho-dhaliyaan yoolasha horumarineed ee uyaala. waxayna intaa kudareen in XDSHSI oo kufaanaya itoobiyanimadiisa islamarkaana sii labajibaaraya xidhiidhka bahwadaagnimo ee uu laleeyahay ururka EPRDF kana faaiidaysanaya taageerada aan kalago’a lahayn ee dawlada federalka ah iyo ururka EPRDF ay shacabka ugu shaqaynayaan si daacadnimo ah.
Comments are closed