Hadaba furitaankii kulankan ayaa aqoon iswaydaarsiga ah ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI Ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu wahelinayay komishineer ku xigeenka komishinka xuquuqul insaanka JDFI mudane Ishaytu Gabre ayaa sheegay inuu kulankani yahay siidii loosii xoojin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka gaar ahaan arimaha xeerka qoyska oo ah xeer ka hirgalay dalkeena itoobiya islamarkaana loo bahanyahay in sidii loogu talagalay loo dhaqangaliyo, Iyadoo masuuliyiintu xusay in deegaankeenu lagu aamanay ka qaybgalkahaweenka dhanka siyaasada oo ay ka badiyeen heerka ay oogu talagashay dowlada federalka.
Sidoo kale afhayeenka ayaa waxaa uu aad uga waramay doorka ay siisay xukuumada ddsi xuquuqaha haweenka gaar ahaan dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo guud ahaanba ka qaybta galka haweenka, Iyadoo si qoto dheer loogaga hadlay shuruucaha caalami ee xeerinaya xuquuqaha caruurta iyo haweenka.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay masuulyiinta xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan oo ka dooday kulankan iyagoo soo dhigayay sida oogu macquulsan ee lagusii xoojin karo arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska islamarkaana loo dhaqan galin lahaa bayaanada ka hadlaya arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska.
Comments are closed