Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo kor loo qaado lana xoojiyo dareelka adeegyada caafimaadka ee la gaadhsiinayo bulshada DDSI gaar ahaan bulshada ku dhaqan degmooyinka DDSI ee abaaruhu saameeyeen islamarkaana laga hortago cudurada dilaaca uu xafiiska caafimaadka DDSI gaadhsiiyay goobaha abaaruhu ka jiraan 14 kooxood oo ah kooxaha caafimaadka, 8 dhakhaatiir iyo waliba 150 xirfadleh caafimaadka kuwaasi oo bulshada abaaruhu saameeyeen gaadhsiinaya daryeel caafimaad oo taya leh.
Dhinaca kale wasiirka ayaa tibaaxay in uu xafiiska caafimaadka DDSI sameeyay gudi heer deegaan ah oo si joogta ah ugu xidhan dhaq-dhaqaaqa iyo xaqiijinta daryeelka caafimaad ee la gaadhsiinayo bulshada taasi oo suurta galinaysa sidii ka hortag loogu sameeyo cudurada ka dhalan kara goobaha ay bulshada abaaruhu saameeyay ku kulmaan.
Ugu danbayntii wasiirka caafimaadka ayaa sharax dheerka bixiyay in xafiiska caafimaadka oo ka duulaya taabo galinta daryeel caafimaad oo taya leh bar tilmaameed kiisuna yahay shacabka islamarkaana looga hortago cudurada ku iman kara xaaladaha abaarta ayaa la hirgaliyay dhawaana xadhiga laga jaray ayuu yidhi wasiirku xarumo caafimaad oo hadda bixinaya adeeg caafimaad oo hufan iyada oo dayactirna lagu sameeyay xaruma caafimaad iyo rugo caafimaad si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad oo dabooli kara baahida shacabka ee dhinaca daryeelka adeega caafimaadka.
Comments are closed