DAAWO Marwo Maajida oo Xadhiga kajartay Xarun Cusub Xisaabadka Maaliyada online Ah

17105914_1903704403240601_908437612_oJigjiga (estvlive) 03/03/2017

Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamuud Maxamed iyo Wasiirka Xafiiska Maaliyadda iyo Hormarinta iyo Dhaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Cabdi ayaa maanta ka Qeybgashay Munaasabad lagu daahfurayo Xarun cusub ee Xafiiska Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Hadaba Xaruntan Xisaabaadka Online ka ah ayaa waxaa lagu soo gudin doonaa dhamaan Xisaabaadka Maaliyadda DDSI,  Xarunta Xogta Xafiiska Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha DDS ayaa la bilaabay 2007 Tirsiga Taariikhda Itoobiya  lana dhameystiray 2009 T.I islamarkaana at socotay mudo 2-sono ah fulinta xaruntan ayaa shirkad shina ah ayadoo ku baxday lacag gadheyso 5.5-milyan oo birr  isla markaana u jeedada Xaruntan loogu tala galay in at isku xidho nidaamka xisaabaadka deegaanka (financial system) taaso loo adeegsanayo nidaam online ah.

17101284_1903707323240309_1068466021_oKulankan daahfurka islamarkaana xadhiga ka jarista xarunta xogta iyo xafiiska maaliyadda DDSI ayna ka soo qeybgaleen wasiirada maareeyayaasha kumushinnada xafiisyada heer deegaan waxaana uGu horeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamuud Maxamed  oo sheegtay in nidaamkan cusub ee online ka ah in uu xad u sameeyo xisaabaadyada ayadoo hadalkeeda sii wadata sheegtay in ay ku farax san yihiin islamarkaana ayna soo dhaweynayaan taasoo sidaa derteed uu ka shaqeyn doono heer deegaan ila heer degmo.

17101621_1903707269906981_169457995_oUgu dambeyntii, Munaasabada daahfurka xarunta xogta xisaabaadka maaliyadda ayaa ku soo gabagaboobay islamarkaana ay soo dhaweeyeen dhamaan Masuuliyiintii ka soo qeybgashay daahfurka xarunta xisaabaadka online ka,

 

Wariye Madaale jigjiga estvnews@hotmail.com

 

 

 

 

Comments are closed