Sida laga soo xiganayo joornaalka Le Canard Enchainé xaaska Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga Penelope Fillon ayaa qaadatey lacag ka badan nus malyuun euro iyada oo aan qaban wax shaqo ah.
Sida uu sheegey Musharaxa Madaxweynaha Faransiiska Fillon xaaskiisu waxay shaqadeeda u gudatey si wanaagsan taas oo baaritaan ku socdo hadda.
Ka hor inta aysan soo bixin fadeexadda mushaharka Fillon waxa uu safka hore uga jirey tartanka Madaxweynaha waxaana la sadaalinaayey in uu si fudud ugu guuleysan karo.
Comments are closed