Stockholm (estvlive) 04/03/2017
Waxaa kulankaasi ka soo qeybga Masuuliyiinta ugu sareyso Safaraada itoobiya ee Sweden iyo Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSi ee Sweden kaddib ayaa la guda-galay codeynta, Waxaana codeynta kaddib ay guddiga Fulinta doorashada ku dhawaaqeen natiijada cod-bixinta, iyadoo sheegay inuu helay murashax halkaasi Codbuuxa Gudiga Fulinta Jaaliyadda ay Ku doorteen Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi oo xilka haynaya muddo 2-sano ah, uu hogaamin doono Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Cabdirashiid Farax Xayi
Waxaa khadka telfoonka kaga Soo qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda DDSI uu ka mid yahay Wasiirka Ganacsiga iyo Gadiidka DDSI Ahna Madaxa Arrimaha XDSHSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo Wasiirka Qurbajoogta Wasiirka Qurbajoogta Mudane Badri Yusuf Cismaan,
Wasiir Khadar ayaa ugu horreyn u mahad celiyay Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSi ee Sweden iyo Masuuliyiinta ka sacdo Safaarada Itoobiya iyo Marti sharafka ka soo qeybgalay kulankan oo jaaliyadda DDSI ay ku doorteen Gudoomiye Cusub ayuu yiri wasiirka waxaa kaloo uu hambalyo u diray gudoomiyaha Cusub ee jaaliyadda DDSI ee Sweden in uu alle xilka loo igmaday allaah u fudadeeyo.
Waxaa kaloo halkaasi khadka Telfoonka kaga hadlay Wasiirka Qurbajoogta DDSI Mudane Wasiirka Qurbajoogta Mudane Badri Yusuf Cismaan, oo sheegay in ka xafiis ahaan siweyn ula shaqeyn doonaa gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyadda DDSI ee Sweden Mudane Cabdirashiid wuxuu hambalyo u diray gudoomiyaha Cusub iyo dhamaan Xubnaha jaaliyadda ddsi Sweden ay yihiin kuwa ka hortagay kooxda fikirkooda gaaban sidaa darted jaaliyaada DDSi Sweden ay tahay jaaliyad Hormuud ah oo ay ku Xisaabtameyso Xukumaada DDSI.
Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Sweden Dr. Hussein Ahmed Omer ayaa ugu horreyn u mahad celiyay dhamaan marti sharafka ka soo qeybgashay kulankan wuxuu kaloo u mahad celiyay gudiga doorashada ee xubnaha Gudiga fulinta jaaliyadda DDSi wuxuuna hakaasi kula dardaarmay dhamaan hogaaminta jaaliyadda DDSi ee Sweden in ay gacmaha is wada qabsadaan cadowga Dalka iyo deegaanka ay ka hortagaan waxaa kaloo jaaliyadda DDSI Sweden looga baahan yahay in ay dalka maalgashi ku sameystaan kuna dhiirigaliyaan maalqabeynada dalka Sweden iyo ganacsatada qeybaheeda kala duwan
Ugu dambeyntii, Kulankaasi Jaaliyadda ayaa ku soo gabagaboobay farxad mid kamid ah Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSI Ee Sweden Mudane C/risaaq Sh Cabdullahi oo Warbaahinta DDSI u sheegay in maalinba maalinta ka sii dambeyso ay soo badanayaan Taageerayaasha DDSI waxaana Maanta Marqaati ka ah sida hoolka loo soo buux dhaafiyay.





Comments are closed