Ujeedada Ololalahan ayaa loogu diyaar garoobayo Xuska 8-March oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-March ololalahan ayaa waday Maamulka Magaalada wajaale iyo bulshada qeyba-heeda kale duwan Maayarka Maamulka Magaalada Wajaale Mudane Maxamuud Cabdi (Gaawe-Gaawe) ayaa warbaahinta Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya ayaa Warbaahinta Dawlad Deegaanka somalida Itoobiya u sheegay in Maanta ololalehan uu yahay mid Bilicda Magaalada Wajaale oo kor loogu qaadayo islamarkaano Shacabka Magaalada Wajaale oo soo dhaweynaya Xuska Caalamiga ah ee 8-March.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Maareeyaha Magaalada Wajaale Mudane Muxiyidiin Cabdi Muxumed isagoo sheegay in at sii wadi doonaan kor u qaadida bilicda iyo nadaafada magaalada wajaale islamarkaana at kaashanayaan shacabka magaalada Wajaale.
Ugu Dambeyntii, Shacabka Magaalada wajaale ayaa diyaar garow weyn ugu Jira sidii Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-March ay u soo dhaweyn lahaayeen.
Comments are closed