Xafiiska Caafimaadka ayaa dadaal xoogan ka wada sidii loo gaadhsiin lahaa Agabka caafimaadka taaso takhaatiirta iyo waaxda xirfadaha caafimaadka taasoo looga hortagayo bulshada u baahan caafimaadka sifa ay ku helaan iyagoo goobahooda jooga Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil Ayaa uga warbixiyay socdaalkooda Bulshada Ku dhaqan Tuulada Caleyn islamarkaana ay u indho idheyn lahaayeen xaalada dhabta ah ay bulshada ku sugantahay iyo kawacyo galinta sidii loo xoojin lahaa korna looga sii qaadilahaa Caafimaadka.
Waxaa kaloo uu ku daray hadlakiisa Wasiirka in ay fahan buuxa ay ka yeeshaan ka hortaga cudurada faafa islamarkaana ay xidhiidh ay uwada sameyn lahaayeen Takhaatiirta iyo Waaxda Caafimaadka Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay Waax Caafimaadka oo ka socda Ismaamulka Dawlad Deegaanka Tigray sifa ay qeyb uga qaataan Bulshada walaalahooda ee abaarta saameysay ee DDS.
Ugu dambeyntii, Bulshada ku dhaqan Tuulada Caleyn ayaa aad usoo dhaweeyay Adeegyada Caafimaadka loo Fuliyay islamarkaana uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil.
Comments are closed