DAAWO Wasiiro Ololale Nadaafadeed Ka Qeybqaatay Diyaar Garow Xuska 8-March iyo Xuska Abbay

17091455_1903826656561709_1981708588_oJigjiga (estvlive) 04/03/2017

Waxaa magaalada Jigjiga Xaruunta Maamulka Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Shaleyto ka qabsoomay olole Nadaafadeed oo ka mid ah qorshayaasha looga qeybqaadanayo islamarkaana lagu soo dhaweynayo Munaasabada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-March iyo Xuska Sanadguuradii 6aad ee ka soo wareegatay  abbay .

DAAWO Muqaal Video

 

 

17093170_1903826636561711_1695627484_oMunaasabadaasi 8-March laqaban doono ayaa loogu magic daray Magaalooyin Nadiif ah oo Cagaaran Bilicna Leh ayaanu ku hirgalineynaa Dib u Curashada, Waxaa ka soo Qeybgalay Masuuliyiin Sare heer Deegaan iyo heer maamul magaaloiyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada jigjiga.

17093074_1903826639895044_1894469514_oWasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka Dhalaanka iyo caruurta ee DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo Ka mid ah Masuuliyiintii ka soo Qeybgalay Ololelahan Nadaafadeed ayaa warbaahinta DDSI u sheegtay in ololahan uu qeyb ka yahay qorshayasha llooga qeyb qadanayo soo dhaweynta labada munaasabadood ee 8-march lagu qaban doono magaalada jigjiga

17121643_1903826616561713_278823051_oWaxaa kaloo halkaasi warbaahinta DDSI kula hadlay Wasiirka Kuxigeenka Xafiiska Magaalooyinka iyo Dhismaha iyo warshadaha Mudane Axmed shukri aya sheegay in Xarunta Maamulka DDSI ee magaalada jigjiga ku soo bateen bulshada dawlad deegaanka somalida itoobiya islamarkaana Magaalada ku soo koradhay dhismooyin iyo wadooyin cusub sidaa darted ka xafiis ahaan in ay xooga sarayaan sidii wadooyinka magaalada ay u noqon laheyd wadooyin nadiif ah taasoo ay maanta ka soo qeybgaleen ololale Nafaadabeed oo loogu diyaar garoobayo Munaasabada 8-March.

17122180_1903826629895045_2044030942_oWaxaa kaloo halkaasi warbaahinta DDSI kula hadlay Wasiirka Xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI Mudane Maxamed Bile Xasan ayaa sheegay in ololahan uu  yahay mid ka socda deegaanka taaso kor loogu qadi bilicda magaalada jigjiga islamarkaana at ku dhiirigalinayaan shacabka deegaanka.

17101237_1903826609895047_1999666163_oUgu Dambeyntii, Shacabka magaalada Jigjiga ayaa aad u soo dhaweeyay ololalahan Nadaafadeed ee lagu soo dhaweyn Xuska 8-March lagu qaban doono Magaalada jigjiga ee xarunta maaulka DDSI.

Wariye Madaale jigjiga estvnews@hotmail.com

17092951_1903826676561707_1241378941_o17105748_1903826606561714_382336882_o

Comments are closed