Mudane Farmaajo ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada saxafiyiintii Soomaaliyeed ee naftooda u waayey sidii dalkan u gaari lahaa nabad, isla markaanna dhallinyarada Soomaaliyeed looga wacyigelin lahaa afkaaraha gurracan ee kooxda shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaa xaqiiqo ah inaad dhibaatooyin badan la kulanteen si la idinka hor istaago inaad bulshada u gudbisaan runta. Mas’uuliyad iyo waajibaad idin saaran ayaa jira, dowladdana masuuliyad iyo waajibaad saaran baa jira sidaad darteed waa inaan iska kaashannaa sidii aan dalkeenna u nabadeyn lahayn.”
Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa u ballan qaaday bahda saxaafadda in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay wada shaqeyn buuxda la yeelato, waxa uuna ka codsaday in ay dhankooda kaalin mug leh ka qaataan wacyigelinta bulshada ee xagjirnimada, abaaraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.”
Comments are closed