Wafdi Gargaar Sida Ismaamulka Axmaarada Jigjiga Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay

Screenshot_20170308-094516JIGJIGA  (estvlive) 08/03/2017

Waxaa magaalada jigjiga xarunta maamulka DDSI Siweyn loogu soo dhaweeyay Wafdi kasocda dawlada deegaanka Axmaarada Itoobiya.

Screenshot_20170308-094538Waxaana Wafdigaasi duleedka Magaalada Jigjiga ee Buurta Karamardha kaga hortagay Mas’uuliin sare Ee Xukumadda dowlad deegaanka Somalida Itoobiya uu Hogaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Ahna Gu/XDSHSI  Mudane Maxamed Rashiid Isxaaq iyo Wasiirka Wasiirka Madaxtooyada DDSI, Wasiirka Maaliyadda DDSI Mudane Axmed Cabdi, Wasiir Kuxigeenka Madaxtooyada DDSI Mudane deeq C/Buraale, Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada DDSI, Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) Wasiir Kuxigeenka Xafiiska TVET-KA DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Hormarinta Magaalooyinka DDSI Mudane Axmed Shukri, Wasiir kuxigeenka ka hortaga Musiibooyinka DDSI Mudane Yaasin Cumar iyo Mas’uuliin kale

FB_IMG_1488955562954Wafdigan dawlada deegaanka Axmaarada Itoobiya ka socday ayaa waxey Ka mid ahaayeen wafdi gargaar u sida walaalahooda Somalida itoobiya ee ay Abaarta saameysay taasoo ay u sideen Booyado Biyo iyo Dakhaatiir ku taqasusay Cudurada kala duwan sifa walaalahooda ay ugu gargaaraan.

Screenshot_20170308-094633Ma’an markii ugu horreysay ay ismaamulada ay gargaar lasoo gaaraan waxaa ka horeeyay Ismaamulka Dawlada deegaanka Tigrey oo markii ay maqleen deegaanka Somalida itoobiya ay Abaarta saameysay ay durbadiiba lasoo gaareen gargaar Raashiin biyo, lacag, iyo Takhatiir.

FB_IMG_1488955622998Afhayeenka Baarlamaanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isxaaq ayaa Warbaahinta DDSI lahadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Ismaamulka Dawlada deegaanka Axmaarada Wafdigan gargaarka u wada in uu ku soo dhaweeyo duleedka Magaalada Jigjiga wuxuu intaa ku daray in maanta Itoobiyada cusub ee maanta tusaale iyo dhiirigalin u tahay in ay maanta Ismaamulka Dawlada deegaannada Itoobiya ay is garab istaagaan, ”ayuu yiri Maxamed Rashiid

FB_IMG_1488955582500Ugu dambeyntii, ismaamulka dawlada deegaanka Somalida itoobiya ayaa dadaal Xoogan Ugu jira sidii ay uga samatabixin lahaayeen bulshada ay abaaraha saameeyay ee deegaanka.

Comments are closed