Xuska Sanad-guurada 41aad Ee Maalinka Haweenka Aduunka Oo Siwayn Looga Xusay MM Dhagaxbuur

best000Dhagaxbuur (estvlive) 08/03/2017

Munaasabad lagu maamusayo maalinka Haweenka Aduunka oo sanad walba la xuso 8 march islamarkaana ay kasooqaybgaleen kabinetka maamulka magaalada dhagaxbuur, Haweenka ku nool magaalada dhagaxbuur iyo waliba marti sharaf kaladuwan ayaa si rasmi ah uga dhacday hoolka shirarka ee magaalada dhagaxbuur.

 

best0000Munaasabadan, ayaa waxaa ugu horayn furay Maayorka Maamulka Magaalada Dhagaxbuur mudane Muxumed Xasan Suufi oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan haweenka deegaanka u dhashay ee kukala nool dalka iyo dibadaba iyo waliba dhamaan haweenka caalamka. Wuxuuna  xusay in haweenka deegaanku ay yihiin lafdhabarta horumarka islamarkaana ay kaalin muhiima kaqaadanayaan horumarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday isagoo si gaara u xusay in haweenku yihiin ay mid kayihiin tubaha uu deegaankukaga baxayo saboolnimada  maadaama oo ay haweenku ku fiicanyihiin dhanka kaydinta iyo maaraynta lacagaha.

best41Sidookale, kusimaha madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo caruurta Ee MM Dhagaxbuur marwo Farxiya Cismaan Muxumed  ayaa madasha kasoojeedisay khudbad muhiim ah oo taabanaysa dhinacyo kaladuwan iyadoo ugu horayn salaam u soojeedisay golaha kabineetka maamulka magaalada dhagaxbuur oo uu ugu horeeyo Maayorka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Muxumed Xasan suufi, sidookalana waxay hanbalyo balaadhan usoojeedisay dhamaan haweenka kasooqaybgalay munaasabadan lagu maamusayo maalinka haweenka aduunka oo sanadwalaba ay xusaan 8 march iyo waliba dhamaan haweenka deegaanka meelkast oo ay joogaanba.

Dhanka kale, waxaa iyana munaasabadan khudbado kaladuwan kasoojeediyay hogaanka nabadgalayada maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Saxane Axmed Maxamud, Madaxa arrimaha Siyaasada XDSHSI mudane Muxumed Bidhiye Qudhac iyo waliba Afhayeen-kuxigeenka golaha xildhibaanada maamulka magaalada dhagaxbuur.

best000Kadibna, kabinetka maamulka magaalada iyo dhamaan hooyooyinkii iyo marti sharaftii kasooqaybgashay munaasabada ayaa siwada jir ah  u sameeyay dhir beeris ay ku maamusayaan maalinka haeenka iyagoo boqolaal geed oo kale duwan ku beeray ama kutalaalay dugsiga sare ee maamulka magaalada dhagaxbuur.

Ugudanbayna kasooqaybgalayaashii oo dareenkooda cabiraya  ayaa  sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin munaasabadan maanta oo ah  maalinka la xuso haweenka aduunka ee kubeegan 8 march. Waxayna tilmaameen inay haweenku yihiin lafdhabarta deegaanka islamarkaana ay door balaadhan kaciyaaren horumarka kadib markii uu madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamuud cumar iyo XDSHSI uu xuquuqdoodii sugay islamarkaana ay gaadheen ilaa heer madaxwayne kuxigeen.

Comments are closed