kooxahan oo laga soo kala xulay waaxaha kala duwan ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxay ujeedada loo kala dirayaa tahay in ay ka soo qabtaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka gaar ahaan 25kii degmo ee cusbaa tababarka tababartayaasha(TOT) oo loo qaban-doono masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinkaasi cusub si ay u soo dhistaan qaab dhismeedka tuulooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi cusub iyo in ay kor-meer indho indhayn ah ku soo sameeyay ardayda DDSI ee wax ka barata jaamacadaha dalka.
wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa si qoto dheer ula dar-daarantay kooxahan isku dhafka, waxayna sheegtay in xafiiska oo ka duulaya taaba galinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaan-qaadkiisa 2aad iyo hirgalinta qorshaha 2009TI in uu xafiisku xooga saaray fulinta qorshayashaasi , ujeedooyinka kooxahan loo dirayaana ay qayb ka yihiin dar-dargalinta iyo fulinta qorshayaasi. Wasiirka ayaa si mug leh ugu boorisay kooxahan isku dhafka ah ee loo kala dirayay gobolada deegaanka iyo jaamacadaha dalka in ay xilka iyo waajibaadka loo igmaday sidii loogu talagalay uga soo baxaan maadaamo oo shaqadan loo diray tahay mid qayb-wayn ka qaadanaysa hirgalinta qorshayaasha shaqada iyo tayada wax-barashada ardayda DDSI ee dhigata jaamacadaha dalka.
ugu danbayntii kooxahan xafiisku u kala diray gobolada deegaanka degmooyinkii iyo jaamacadaha dalka ayaa waxay degmooyinka deegaanka ka soo fulinayaan tababaro kor loogu qaadayo awooda fulineed ee shaqaalaha degmooyinka deegaanka, iswaafajinta qaab dhismeedkii hore ee degmooyinka ka jiray qaab dhismeedka BPR-ka, si looga fuliyo qorshaha cusub ee qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (JEG) oo laga hirgalinayo dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka, xoojinta iyo dhisida iskaashatooyinka farsamada casriga ah ee heer degmo ilaa heer tuulo iyo sidii daraasaad loogu soo samayn lahaa ardayda DDSI ee dhigata jaamacadaha dalka si loo ogaado tirada ardayda iyo tayada waxbarashadooda.
Comments are closed