Wasiir kuiixgeenkii Wasaaradda Warfaafinta Nuur Axmed Yusuf ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu ka noqdey Wasiir kuixgeen.
Wareegtada madaxweynaha waxaa lagu caddeeyey in Cabdirisaaq Sheekh Adduun loo magacaabey Wasiir kuixgeenka Wasaaradda Warfaafinta. Sheekh Adduun ayaa muddo dheer ahaa Suxufi, waxaana uu muddooyinkii danbe ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda.
Wasiir ku-xigeekii Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Cilmi Seed ayaa laga dhigey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Sida ay muujineyso shaxda cusub waxaa golaha Wasiirada ee Puntland ku soo biirey laba Wasiiru Dowle, iyada oo laba todobaad ka hor Madaxweynuhu magacaabey Wasiiru dowle kale, Madaxweynaha Puntland ayaa golihiisi xukumadda ee u horeeyey ay ka koobnaayeen 48, waxaana gadaal looga darey xubno kale oo noqdey Wasiiru dowlayaal iyo wasiir kuxigeeno.
——
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.
Waxaa Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
Comments are closed