Ma cadda sababta rasmiga ah ee Madaxweynuhu shaqo joojinta ugu sameeyey Wasiirka, warbaahintana uma suurta gelin in ay aragto qoraalka rasmiga ah ee shaqo joojinta. Sida Horseed ogaatey waxaa jirey arrimo dhawr ah oo is barkadey kuwaas oo la aaminsan yahay in ay la xiriirto shaqo-jooninta lagu sameeyey wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa ku fashilantey in sidii uu ahaa ay u fuliso mashruuc uu maalgelinaay Bangiga hormarinta ee Afrika (AfDB) oo la soo mariyey IGAD kaas oo wax looga qabanayo deegaanada abaaraha u nugul ee Geeska Afrika. Mashruucan ayaa loogu magacdarey Drought Resilience and Sustainable Livelihoods (DRLSP 2) waxaana uu soo socdey qorshihiisu muddo ka badan 5 sano, Soomaaliya oo dhan ayaa mashruucan laga siiyey 22 milyan oo Dollarka Maraykanka ah, taas oo ay Puntland uga soo aadey lacag ku dhaw 5 milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo xannaanada xoolha, cuntada, nabaad guurka iyo bacaad celinta.
Cabdjamaal Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha guud Axmed-keyse ayaa war soo gaarey Horseed sheegayaa in barnaamijka DRSLP2 ay isku dayeen in ay ku sameeyaan wax is-dabamarin kaas oo lagu wadey in uu bilaha soo socda si rasmi ah uga fulo deegaano kamid ah Puntland.
Horey ayaa Wasaaradda Xanaanada Xooluhu ugu guuldaraysatey in ay wax ka qabato, fadeexadii dawooyinka dhacay ee loo qaybiyey hawlwadeenadii xoolaha daweynaayey, bishii Janaayo 2017 kadib markii warbaahintu soo bandhigtey, waxaana Wasiirka Xannaanada Xoolaha isku dayey in uu difaaco kuwii denbiga galay halkii uu talaabo qaadi lahaa.
Comments are closed