Madaxweynaha oo 22kii bishii hore dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safar shaqo ku tegay imaraadka iyo dalka ethiopia, wuxuu sheegay in dhiraadhirinta mashruuca dekeda bosaso uu uga soo tegay wefti uu hormuud u yahay guddoomiyaha barlamaanka axmed Cali Xaashi, ayna ka mid yihiin wasiirka maaliyadda Puntland C/laahi Sheekh Axmed iyo wasiirka dekedaha Siciid maxamed Raage oo hadda ku sugan magaaladda Abu-dubai
Saxiixa Heshiiska dekeda bosaso oo la filayo inay qalinka ku duugaan madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda DP world ayaa marar dib-u-dhacay sababo aan la shaacin, hase yeeshee sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal oo madaxtooyadda Puntland ah waxaa maalmaha soo socda si rasmi ah loo wareejin doonaa dekeda Bosaso
Gabagabadii, Todobaadkii hore Xukuumadda madaxweyne Gaas waxay ansixiyeen heshiis shidaal baaris ah oo la galeen shirkadda CCECC ee dhismaha iyo sidoo kale heshiis kale oo lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Galkacayo iyo jid laami ah oo isku xiri doono caasimadda Garoowe iyo degmadda Eyl.
Comments are closed