Booliiska ayaa bambaano kale ka helay goob labaad oo tareenada laga raaco isla magaaladaasi.
Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay inay weerarkan fulisay, walow ay hay’adaha amaanka sheegeen inay baadi goobayaan labo qof oo arrintan lala xariirinayo.
Hay’ada la dagaalanka argagaxisada ee Ruushka ayaa shaacisay sawir nin la tuhunsan yahay inuu ahaa kii geystay weerarkan oo ay ku sheegeen mid ismiidaamin ah.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isagu booqasho ku joogay magaalada xiliga weerarkan dhacay ayaa xalay saqdii dhexe booqday goobaha tareenada laga raaco isagoo sheegay in dowladiisa ka shaqeyn doonto sidii sharci loo horkeeni lahaa kooxdii falkan ka danbeysay.
Comments are closed