Trump oo Soodhaweyn diiran u sameeyey Al Sisi

Mareykanka (estvlive) 04/04/2017

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi oo safarkiisii ugu horeeyey oo rasmi ah tan iyo intuu xilka qabtay ku tagay Maraykanka ayaa la kulmay Dhigiisa Donald Trump.

Madaxweynihii hore ee Marayanka Barack Obama ayaa isagu horey u diiday in uu Qaabilo Al Sisi isagoo ku eedeenayey gabood faladii uu ka geystay dalka Masar xiligii inqilaabka militari ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii shacabka doorteen ee Maxamed Morsi.

 

Balse Donald Trump ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hawlaha wanaagsan oo uu Cabdifataax Al Sisi ka qabtay dalka Masar, hadalkan oo ay cambaareeyeen hay’adaha xuquuqul insaanka ee xukuumada Sisi ku eedeeya danbiyo kala duwan.

Trump ayaa sheegay in Sisi ay la shaqeyn doonaan oo ay si buuxda u garab taagan yihiin.

Comments are closed