Axmed Cabdullaahi Afrax oo aha guddoomiyaha degmada Wadajir oo warbaahinta maxaliga ah ee muqdisho u waramay, wuxuu sheegay in tiradda dhimashadu ay gaarayso 4 qof, halka saddex qofna uu dhaawac ka soo gaaray hoobiyayaashaasi.
Weerarkan ugu dambeeyay, wuxuu imaanaya iyadoo maalintii shalay madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay inuu dalka galay xaaalad dagaal, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaaqeeyaan ciidamada amaanka.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo cafis 60 maalmood ah u fidiyay dhalinyarada ka so goosta ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jirta.
Comments are closed