Booliska ayaa helay fariinta SOS saacaddu marey ahayd 14:30 Jimce xiliga dalka Sweden, waxaana lagu wargeliyey in dad ku dhaawacmeen gaari la jiidhsiyey.
Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in ay saddex qof ku dhinteen weerarkan argagixiso dad ku dhaw 10 qofna ay ku dhaawacmeen.
Booliska ayaa direy fariimo dadka loogu baaqayo in ay guryahooda ka soo bixin, kana fogaadaan bartamaha Stockholm. Joornaalka Expressen ayaa sheegaya in ay jirto weerar hubeysan oo Sweden lagu soo qaadey Boolisku rasaas ayey is dhaafsadeen qof hubeysan. rasaasta ayaa ka dhacdey Åhléns City iyo Hötorget. SVT ayaa isaguna ku waramey in rasaas ka dhacdey halka la yiraahdo Globen.
Waxaa la joojiyay bassaska iyo tareemada gudaha magaalada Stockholm.
Ra´iisal wasaaraha dalkan Stefan Löfven ayaa dhowaan shir saxaafadeed ka sheegay in la qabtay qof lagu tuhmayo in u ka dambeeyay dhacdodan, waxaana uu weerarka ku tilmaamey mid argagixso.
Ma jirto ilaa hadda cid farta lagu fiiqey in ay ka danbeysey weerarka ama iskood u sheegatey.
Weerarkan ayaa u eg kuwii lagu qaadey magaalooyinka Nice ee dalka Faransiiska iyo magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.
Comments are closed