Hadaba, shirkan ayaa waxaa shir-gudoon ka haa wasiir kuigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (heeryo) wuxuuna sheegay in shrkan ujeedadiisu tahay sidii loodooran lahaa gudiyada kaladuwan ee dib umeelaynta shaqaalaha xafiiska qaabdismeedka cusub ee barnaamijka JEG iyo gudiga cabashooyinka. Wuxuuna intaa kudaray in barnaamijkani yahay barnaamij aad muhiim ugu ah dhamaan shaqaalaha dawlada islamarkaana sanadihii ugu danbeeyay uu dalku ku hawlanaa. Hadana aytahay wakhtigii laga dhaqan galin lahaad dhamaan deegaanada dalka.
Wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in maanta ay dhisayaan gudiyada dib umeelaynta shaqaalaha iyo waliba gudiga cabashooyinka si maalma gudahood loo dhamaystiro dib umeelaynta shaqaalaha xafiiska waxbarashada. Iyadoo si cadaalad ah loogu tartami doono boosaska cusub ee qaabdhismeedka JEG. Islamarkaana ay lagama maarmaantahay in ladoorto gudi cadaalad ah oo si cadaalad ah dib u meelaynta ugusameeya shaqaalha.
Kadibna, shaqaalaha ayaa doortay 2dii gudi ee gudiga dib-u meelaynta iyo gudiga cabashooyinka ee xafiiska waxbarshada DDSI.
Ugudanbayna wasiir-kuxigeenka ayaa la dardaarmay gudiyada isagoo xusay in si wadaniyad leh oo cadaalad ah ay xikaas uga soo baxaan. Shirka ayaana kusoodhamaaday jawi wanaagan oo shaqaalaha wajigooda farxadi kamuuqato.
Comments are closed