Guddoomiyaha Ururka Soomaalida ee Atlanta Cumar Abuukar Shiikheey ayaa VOA-da u sheegay in jaaliyadda Soomaalidu ay aad uga walaacsan tahay tallaabadan cusub,waxaana uu xusay in dambiyada dadka qaar ay galeen ay yihiin kuwo fudud oo aan istaahilin in dalka laga saaro.
xiligii uu ololaha doorashada ku jiray Madaxweynaha Mareykanku Donald Trump a wuxuu ballanqaaday in dalka ka masaafurin doono dadka dambiyada gala iyo kuwa aan sharciga maraykankan heysan
dhowrkii bilood ee u dambeeyay dowladda maraykanku waxay soo mastaafurisay boqolaal Soomaaliya, kuwasoo muddo dheer xabsiyada maraykanka ku jiray, kadibna la keenay magaaladda muqdisho
Comments are closed