#Turkey #referendum2017 unofficial overall results
YES: 51.45%
NO: 48.55%
Ballots opened: 96.92%http://aa.com.tr/en
iyadoo weli ay socoto tirinta codadka la dhiibtay ayaa natiijiada hordhac ee soo baxaysaa waxay sheegaysaa in ay ku horreeyaan xisbiga madaxweyne Erdogan oo %52 codadkii la tiriyay ay u codeeyeen HAA, halka dadka MAYA ku codeeyeen ay ilaa iyo hadda heleen %47.
Ilaa 55 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan aftida dastuurka, iyadoo dadka u soo baxay codbixinta aftidana lagu qiyaasay %85 boqolkiiba.
#Turkey #referendum2017 unofficial overall results
YES: 51.45%
NO: 48.55%
Ballots opened: 96.92%http://aa.com.tr/en
Inkastoo ay ku horreeyeen inta badan gobolada dalka qolooyinka horkacaya isbedelka dastuurka, ayaa haddana gobolka Diyarbakir ee ay u badan yihiin qowmiyada kurdida, boqolkiiba 33 waxay u codeeyeen in loo kordhiyo awooda madaxweyne Erdegon, iyadoo dadka ka soo horjeeda ay gaarayaan %67 (Boqolkiiba 67). Sidoo kale Magaaladda ugu weyn dalkaasi ee Istanbul ayaa natiijooyinka aan rasmiga ahayn waxay tilmaamayaan inay ka soo horjeesteen isbedelka dastuurka (Haa:%49, Maya %50)
Wakaaladda Wararka Anadolu ayaa baahisay natiijo aan rasmi ahayn ee codbixiyayaasha 4 milyan oo turkida ku nool dalka Jarmalka, kuwasoo %63 u codeeyay in isbedel lagu sameeyo dastuurka.
Gabagabadii, Haddii uu ku guulaysto Madaxweynaha Turkigu aftidan oo laga guurayo nidaamkii barlamaanka, oo awooda loo wareejinayo madaxweynaha, wuxuu awood u yeelan doono inuu soo dhiso gollaha wasiiradda, kala diri karo barlamaanka, ku dhawaaqi karo Xaalad deg deg ah, waxaa kaloo uu isbedelkan uu u ogolaanaya madaxweynaha in xilka sii hayn karo ilaa 2029ka.
Horseed Media 2017
Comments are closed