Hargeysa (estvlive) 17/04/2017
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xashi Cabdi oo kamid ah wafdi ka socda xukuumada Somaliland oo gobalka Sool booqasho ku tagay ayaa ka hadlay xaalada abaarta wadanka jirta.
Wafdigan ayaa u tagay gobalka Sool sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in xal loo helo dagaal beeleed soo noq noqday oo ka dhacayey muddooyinkii danbe koonfurta gobalka Sool.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Coolada jirta ay kasii weyn tahay xaalada abaarta ee ka jirta dhulka Soomaaliyeed, isagoona sheegay inay mahadnaq gaar ah u dirayaan dowlada Puntland oo uu sheegay inay si weyn usoo dhaweysay dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood kasoo baro kacay deegaano ka tirsan gobalada Somaliland maamusho.
Wafdiga Somaliland oo la kulmay qaar kamid ah odayaasha beelaha ku dagaalamaya gobalka Sool ayaa dhinaca kale sheegay inay awood Somaliland u adeegsan doonto dhinacyada dagaalamaya hadii aan la joojin dilalka ka dhacaya deeganadaasi.
Comments are closed