Guddoomiyaha degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yarow oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Dalsan muqdisho, wuxuu sheegay xaalado adag oo nololeed oo ay sababtay abaartu ay ka taagan yihiin 12 tuulo oo hoos yimaada degmada Ceel Cali
” Waxaa gaajo iyo haraad ugu dhintay 12 tuulo oo hoos yimaada degmada Ceel cali 33 qof, markii ay waayeen waxay cunaan iyo waxay cabaan” ayuu yiri Gudduumiye Abiikar
Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda waxba laga qaban dhibaatadaasi, wuxuuna ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka degaanka oo xoolihii ay ka dhamaadeen si loo badbaadiyo nolosha dadka oo halis ugu jira inay gaajo iyo haraad u dhintaan
Dhinac kale, Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn u jeediyay gudiga gurmadka abaaraha, isagoo ku timaamay guddi aan u adeegeen bulshadda Soomaaliyeed,
‘’ warbaahinta ayaan ka aragnay guddoomiyaha gudiga oo leh gobollada dalka oo dhan waxaan u kala dirnay min $ 150,000 kun doolar, annagana ilaa iyo hadda xitaa $ 1 doolar kama heyno, su’aasho waxaa ay tahay miyeeynaan ka mid aheyn gobolladaa la sheegayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha
Gabagabadii, Madaxda federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka oo toddobaadkan ku shirsanaa magaaladda Muqdisho ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.
Comments are closed