FAAHFAAHIN: Heshiiskii Shaleyto DDSi iyo Oramada

Addis-Ababa  (estvlive) 20/04/2017

Arinta Xuduudaha samalida iyo oromada oo dhibaatadoodu soojirtay Mudadheer islamarkaana Wajiyo badan soomartay ayaa mudo 10 sano kahor ah doorasho lagaqaaday Qabaleeyadii laysku haysta walaw ayna arintaasi noqonin xal waxkaqabta dhiigii Mudada dheer kudaadanayay Xuduuda shacabka walaalaha ah ee Oromada iyo Somalida .
Hadaba arintani ayaa Mudadii 5bilood ee udanbaysay gashay waji aad ukhadhaadh midaaso dhiigbadanina kudaatay arintani ayaa sidookale saamayn kuyeelatay xidhiidhkii labada Xukuumadood ee Oramada iyo DDSI iyadoo labada madaxwayne kalafogaysay islamarkaana Xidhiidhkoodii Goysay mudo kabadan 5biloodna ay Wax xal ah kagaadhi waayeen Xaaladani.

Hadaba Dawlada Federalka oo Uu uguhoreeyo Raysal wasaare Haylamariam Dhasalayn iyo wasaarada arimaha federalka iyo Ciidamada Difaaca qaranka dalka iyo Madaxwayne yaasha labada deegaan Ayaa dadaal badan kasameeyay sidii xalwaara looga gaadhi lahaa arintani dadka walaalaha islamarkaana Nabadgalyo uguwada noolan lahaayeen
Dawlada federalka gaar ahaan raysal wasaaraha ayaa ku amaanan Doorka Geesinimada iyo bisaylka siyaasadeed ee uu ku xaliyay arinta labada Degaan iyo Labada Madaxwayne oo Gaadhay Meeshii Ugu Khadhaadhayd Abid Taas oo labada Madaxwayne Waa Madaxwaynaha DDSI Mudane Mw CMC iyo Madaxwaynaha Oromada Lema Magarsa ay Gaadheen heer iyagoo kaligooda ayna kulan gooni ah wada qaadanin in arinka dawlada fedralku lagasho mooyaane Hadaba Labadan Madaxwayne oo arintoodu gaadhay heer xidhiidhkoodii Go’ay sababtuna ahayd arintan dhibaatada Xuduuda kataagnayd awgeed Waxwadahadal ahna uusan dhaxmarin mudo 5bilood ah ayaa maanta Laga gaadhay Go’aan Taariikhi ah oo Badbaado U’ah Labada shacab ee walaalaha ah ee somalida iyo Oromada heshiiskan maanta dhacay ee ay kalasixiixdeen Labada Madaxwayne ayaa ah Mid Labada dhinacba Guul u’ah islamarkaana Badbaado U’ah shacabka labada Degaan ee kunool xuduuda labada degaan Hadaba Maamulka Oromiya ayaa Qaatay Go’aan Geesinimo oo ay ka eegeen dhanka Macquuliyada Kaasoo kutusinaya inay kataliyeen dhanka Wadanoolanshaha Labada Umadood arintan ay Kuheshiiyeen Labada dhinac ayaa ah mid aan waxba udhimaynin Doorashadii shacabku Sameeyeen 2004tii Waxaana taariikhi kadhigaysa in Mw CMC iyo LAMU oo mudo 5bilood ah uu xidhiidhkodu Go’naa Xaaladan Xuduudaha ee labada degaan oo meelxun gaadhay aawadeed uu sidaan Xog kuhelay Raysal wasaare haylamariam Usameeyay Labada Madaxwayne Casho sharaf islamarkaana Uu Cashadii kadib uu raysal wasaaruhu Ucaqliceliyay labada masuul dareensiiyayna waxyaabo badan oo xalnoqonkara islamarkaana wuxuu raysal wasaaruhu Dareensiiyay in ay Labada shacab ee labada degaanba Masuulkayihiin ee ayna Midba degaanka Uu madaxwaynaha kayahay uun Xilkiisu saarayn Loogana baahanyay inay ufikiraan sikaturjumaysa Danaha labada shacab dhankoodana ay labada Madaxwayneba Arinkii Garwaaqsadeen soonadhaweyeen Waanadii iyo Waxsheegii Raysal wasaaraha halkaasna uu kabilawday isfahanka Furaha unoqday heshiiskan Maanta lagaadhay.
Hadaba heshiiskani ay Maanta Gaadheen labada madaxwayne ayaa Wuxuu Tibaaxayaa in iyadoon Waxba loodhimaynin Doorashadii 2004tii Maamulka qabalaha Kaalmale oo 3km ujirta Magaalada Caasimada Ddsi ee jigjiga kagana aadan dhanka waqoyiga Gaar ahaan dhanka Dugsiga Hoyga agoonta ee Magaalada jigjiga umuuqata iyo Hoosale oo 5km Ujirta Magaalada Jigjiga oo Hada kahor Xiligii Doorashada Kuguulaysteen Degaanka Oromadu Maamulayeena Hada Maamulkooda Lagu wareejiyay degaanka Somalida inkastoo ani ahaan anigoo Qiraya in Doorashadu sisharci ah udhacday hadana Markaan arko Kaalmale iyo Hoosale oo ah Duleedka Caasimada Jigjiga oo Degaanka Oromadu Maamulayo aan yaabijiray hadana Talaabadan Maanta ay qaateen Hogaaminta Labada degaan ee ah in iyadoo laga eegayo dhanka Macquuliyada in qabaleeyadan Kudhaxyaala Degaanka somalida Gaar ahaan Duleedka Caasimada Maamulkoda Lagu wareejiyo degaanka somalida ani ahaan aadban usoodhawaynayaa Waxaana aaminsanahay inaytahay fikir saliim ah oo Xalwaara ukeenaya shacabka labada dhinac waana ugu hambalyaynayaa Labada Madaxwayne Go’aanka ay qaateen.
Sidookale Qabala Gorayga oo kuyaala Banbaas iyo Qabalaha Faafan ee dhagaxle dhaxdooda islamarkaana kuyaala Wadada laamida ah halka looga leexdo dagmada Goljano oo kamid ahaa Goobihii Xiligii doorashada ay kuguulaysten degaanka oromada ayaa ah qabale taariikh kuleh dhaqanka somalida iyadoo maahmah somaliyeed ahayd (Goray mageed lahadhsadaa ) Ayaan anigu shaqsi ahaan aaminsan una hogaansan Doorashadii dhacday ayaan hadana Markaan arko Goobta ay kutaalo caqli ahaan layaabijiray in Degaanka oromadu maamulo waayo waxay kutaala badhtanka degaanka somalida hadaba Gorayga iyo shan qabale oo ka ah dhanka Malaqaqa oo katirsan dagmada Goljano oo hada kahor ay Oromadu Kuguulaysatay ayaa iyadoo laga eegayo Dhanka Macquuliyada iyo Xalka wada noolanshaha iyo Inladamiyo dabka iyo Colaada Xuduudaha ee dhiigabadani kudaatay ayaa kamid ah Qabaleyada Maanta lakala sixiixday in Degaanka somalidu lawareego.
Hadaba Xafladan lagukala sixiixanayay Heshiiska oo ay dawlada federalku dhamaan kasooqayb galeen ayaa waxay kudhamaatay farxad iyo is afgarasho buuxda Masuuliyiinta Dawlada federalka ayaa dhamaantod aad usoodhaweeyay Go’aankani sidookale Xalay ayaa waxaajirtay Casho sharaf siheersare ah looso agaasimay oo Masuuliyiintu kuwada Caweeyeen.
Hadaba Go’aankan ayaa dhibaato ku’ah Ururada Nabadiidka iyo Dadka aragtida cidhiidhyan ee kaxun nabad kuwada Noolanshaha labada shacab ee walaalaha Wuxuuna Guul uyahay Shacabka labada degaan iyo Hogaaminta labada degaan Gaar ahaan labada madaxwayne iyo Dawlada federalka Gaar ahaan raysal wasaaraha iyo Wasaarada arimaha federalka ee kuguulaysatay inay xalwaara Kagaadhan Arinta Mudada dheer soojiidantay ee labada degaan Taariilhdana qori doonta.
Hadaba heshiiska ayaa Wuxuu dhigayaa in la’ilaaliyo Xuquuqaha dastuuriga ah ee shacabka somalida ah ee kunool degaanka oromada sidookale Shacabka oromada ee kunool degaanka somalida waxaakale oo uu heshiisku dhigayaa in dadkii labada dhinac lakalaxidhay mudadii dagaalka xuduuduhu socday lasoodaayo maadama xal waara lagagaadhay dhibaatadii xuduudaha waxaakale oo Si’cad loogu xusay heshiiska in Cidwalba oo kahortimaada heshiiskani tahay Nabadiid iyo dad ay adeegsanayaan Ururada nabadiidku oo diidan Nabadkuwada noolanshaha labada shacab islamarkaana ay kadanbeeyaan Urarada Xagjirka ah ee ONEG,UBO iyo wixii lamida Talaabo sharci ahna siwadajira looga qaadidoono

Ugu danbayn Waxaan aad ugu faraxsanahay Guushan Taariikhiga ah ee Xalka looguhelay shacabka labada dhinac ee Walaalaha ani ahaana waxaan aad ugu farxay inaan arko Labada Madaxwayne Oo faraxsan oo isdhaafsaday Heshiiskii isna Gacanqaaday iyagoo Faraxsan Hadaba Waxaan halkan Uga Hambalyaynayaa Raysal wasaaraha Dalka Mudane Haylamaryam Dhasaalayn iyo Labada Madaxwayne Mw Dr CMC iyo Madaxwaynaha Oramada Lama magarsa oo Qaatay Go’aan Geesinimo oo taariikhi ah.

Comments are closed