Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu, oo ku kulmay dhigiisa Masar

Masar (estvlive) 20/04/2017

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho ku gaadhay dalka masar Wasiirka ayaa warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dhigiisa dalka Masar Samih Shukry ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

 

Wasiirka ayaa uga tacsiyadeeyay eheladii iyo reer masar dadkii weerarka kaniisadaha lagu weeraray ee ka dambeeyay ururka argagixisada wasiirka ayaa inta ku daray masar iyo itoobiya xiriir taariikhi ah kawada dhaxeeyo iyo ilbaxnimo u gaar ah, isagoo intaa ku daray in labada dal ka dhaxeeya xidhiidh webiga dheer ee Nileka. Annaga oo ogaaney in xiriirka ka dhexeeya labada dal uu soo hagaagayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, Dr. Workneh ku adkeeyay baahida loo qabo in la qabto wada tashi joogto ah is-dhaafsiga booqashooyinka xiriirka labada dal.

Dr. Workneh u sheegay dhigiisa dalka Masar in uu booqashadan ay xoojin doonto, midnimo iyo iskaashi, mid ku salaysan is aaminaada iyo danta dadka Itoobiya iyo Masar ka dhexeeya.

wariye Madaale jigjiga

estvnews@hotmail.com

Comments are closed