DAAWOHal askeri ayaa lagu diley weerar ka dhacay Paris qaar kalena waa lagu dhaawacay – VIDEO

Paris (estvlive) 21/04/2017

Mid kamid ah ciidanka Booliska Faransiiska ayaa la diley saddex qof oo kalena kalena waa ku dhaawacmeen ka hor inta aan Boolisku toogan qofkii werarka ku qaadey fagaaraha Champs-Elysées ee bartamaha Paris fiidnimadii Khamiista.

 

Labo kamid ah Booliska dhaawaca ah ayaa xaaladoodu culustahay, halka qofka saddexaad uu yahay haweeney dalxiise ahayd oo aan la sheegin dalka ay u dhalatey.

Ururka isku magacaaba Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegtey in ay weerarkan ka danbeeyeen, waxaana fuliyey nin ay ku magacaabeen Abu Yusuf al-Biljiiki, taas oo macnaheedu yahay in uu haystey dhalasho dalka Biljim ah.

Hay’adaha amniga ee dalka Biljimka ayaa sheegay in aysan wax xog ah ka hayn, magaca IS ay sheegteyey in uu weerarka ka danbeeyey.

Booliska Faransiiska ayaa bariga Paris ka wada baaritaan guryo looga shakisan yahay in ay ku dhuumaleysanayaan kooxo ka tirsan argagixisada.

Wararku waxay sheegayaan in ninka weerarka qaadey la qabtey bshii febaraayo 2017, kadib markii looga shakiyey in uu doonaayo in uu dilo Boolis, laakiin Boolisku sii daayeen markii wax caddeyn ah loo waayey, waxa u ahaa nin la garanaayo tan iyo sanadkii 2001 oo uu galay denbiyo kala duwan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya ka hor doorashada Madaxweynaha Faransiiska oo dhacaysa maalinta axadda ah, sidoo kale weerarka ayaa dhacay iyada oo musharixiinta xlka Madaxweynuhu ay ku guda jireen habeenkii xalay dood ay hareysey arrimaha argagixisada.

Comments are closed