War-murtiyeed ka soo baxay shirka khamiislaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland ayaa amniga guud ee Puntland ku samayn-doonta di bu qiimeyn dhinac walba ah, gaar ahaan qaabka howl-galada magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Gollaha Xukuumadu waxay falanqayn dheer ka dib soo saareen amar cusub oo wax looga qabanayo Koox Diimeedka la magac baxay Al-Saaciduun Bil Xaq, oo golluhu uu ku tilmaamay koox Baadiyeysan oo Takfiir ah
Golluhu waxay sheegeen in kooxdani ay khatar kutahay diinta Islaamka, Caqiidada, Amniga dadka iyo Dalka, waxayna amar ku bixiyeen in la soo tiro-koobo oo la diiwaangaliyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ama ay gacanta ku hayaan
“goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland, ka dibna gacanta lagu dhigo meelaha xarumaha u ah ururkaas, Lagana cayriyo shaqada xubin kasta oo lagu ogaado inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedkaas” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka gollaha Xukuumadda Puntland.
Gabagabadii, Kooxdan Al-saaciduun Bil-xaq oo dhammaan goboladda dalka laga dhawaaqay bishan, ayaa isla toddobaadkan waxaa amar lagu xaarantinimaynayo jiritaankooda waxaa soo saaray dowladda federaalka, waxaa kaloo lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Puntland Nadwo lagaga hadlayo khatarta caqiidada ay xambaarsan yihiin.
Comments are closed