Jaaliyadda DDSI oo Ka Qeybgalay Kulan Lagu Qabtay Magaalada Brussels Ee Dalka Belgium
Brussels (estvlive) 27/04/2017
Jaaliyaadka DDSI ee ku nool daafaha dunida ayaa ah jaaliyaad markasta teegeero xoogan siya dalkooda iyo deegaankooda islamarkaana ka muuqda fagaaraha caalamka.
Kulan ay soo agaasimtay safaarada Itoobiya ee Fadhigeeda uu yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa ka soo qeybgalay Gudiga Jaaliyadda DDSI Belgium iyo Netherlands.
Kulan kaasi ayaa ahaa mid lagu xoojin islamarkaana lagu dardargalin xaalada dhabta ah ee dalka iyo deegaanka ka jirta sidii ka jaaliyad ahaan uga qeybqaadan lahaa islamarkaana dhanka abaaraha gacan weyn ay uga geysan lahaayeen ka jaaliyad ahaan iyo dhanka maalgashiga ee fursadaha maalgashi ee ka jira dalka iyo deegaanka.
Waxaa ugu horreyn halkaasi ka hadlay Safiirka Wadamada Belgium Netherlands iyo Luxembourg oo marka la soo gaabiyo la isku yidhaahdo BeNeLux Mudane Teshome Toga oo kula dardaarmay dhamaan gudiga jaaliyaadka ee kulanka lagu martiqaaday gaar ahaan umahad celiyay jaaliyadda DDSI iyo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi maxamuud cumar uu ku tilmaamay in uu yahay hogaan u tagan markasta sidii shacabkiisa in uu garab istaago isagoo hadalka sii wata ayaa sheegay in uu ka daawaday ESTV madaxweynaha DDSI isagoo dhax lugeyn deegaanada ay abaarta saameysay islamarkaana masuulkasta uu cashir lama ilaawaan ah uu ka qaadan
Soo gudbin fatxi macalin
Wariye Madaale Jigjiga Nagala soo xidhiidh xafiiska Warqabadka
Comments are closed