Amnesty Oo Puntland Ugu Baaqday Inay Hakiso Dilka Labo Qof.

Garoowe (estvlive) 28/04/2017

Hay’adda caalamiga ee u dooda  Xuquuqda aadanaha  ee Amnesty International ayaa ka codsatay dowladda Puntland inay si deg deg ah u  joojiso dil toogasho ah oo lagu fulin doono labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay  qayb ka ahaayeen Dilal qorshaysan oo lagu khaarijiyay saddex sarkaal oo ka tirsanaa dowladda Puntland Sanadkii hore.

 

Amnesty waxay sheegtay inay ogaatay in dowladda Puntland ay qorshaynayso inay dil ku fuliso Maxamed Yaasiin Cabdi oo 17 jir ah , iyo Daa’uud Siciid Sahal oo 17, kuwasoo ka mid ah  7 dhalinyaro oo Maxkamada Ciidamada ay dil ku xukuntay oo 5 ka mid ah oo da’doodu u dhaxaysay 14 ilaa 17 oo bishan April 8deedii Dil lagu fuliyay magaaladda Bosaso

” 5ta dhalinyarada eee dilka lagu fuliyay waxaa lagu sameeyay jir-dil si ay dambiga u qirtaan, waxaa loo diiday  qareeno u dooda, iyadoo maxkamada milateri la saaray,  nolosha labada dhalinyarada ee haray waa in la badbaadiyaa” Sidaas waxaa yiri Micheal Kagari oo ah  ku Xigeenka Agaasimaha amnest ee Bariga iyo geeska Afrika

Amnesty waxay kaloo sheegtay in qaar ka mid ah qoysaskii dhalinyarada la toogtay ay u sheegeen in si bani’aadanimada ka baxsan loo ciqaabay si u qirtaan dambiyada lagu soo eedeeyay,  iyadoo  la adeegsaday Koronto, Xubnaha tartanka oo sigaar lagaga gubay, la garaacay, sidoo kalena la kufsaday.

Dhinac kale, Amnesty waxay soo jeedisay in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo Eedaymaha la xiriira in dhalinyarada dilka lagu fuliyay lagu khasbay inay qirtaan dambiga. Sidoo kalena lala xisaabtamo kuwa dambiyadaas galay.

Dowladda Puntland weli kama hadlin warbixinta hay’adda Xuquul Insaanka , hase yeeshee Maxkamadda ciidamaddu bishii march waxay labada dhalinyarada ku xukuntay Xabsi daa’in, ka dib markii ay qaateen rafcaan.

Gabagabadii, Amnesty International waxay ugu baaqday dowladda federaalka iyo maamulka Puntland inay joojiyaan dilalka, iyadoo ku tilmaamtay fal naxariis darro ah, islamarkaana ka baxsan bani’aadantinimadda marka la barbar dhigo fal kasta oo qofku ku kaco.

Comments are closed