Francis ayaa sidoo kale booqday Kaniisadii sanadkii hore ay qarxiyeen kooxda Daacish oo ku taal Qaahira halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.
Masiixiyiinta ku nool Masar ayaa sanadihii lasoo dhaafay bartilmaameed u noqday kooxaha hubeysan oo ay Daacish kamid tahay ee la dagaalamaya xukuumada uu hogaamiyo Cabdifatax Al Sisi.
Cabdifatax Al Sisis ayaa casumay Pope Francis oo isagu u ololeeya in ay nabad ku wada noolaadaaa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, kaasi oo muddooyinkii danbe difaacayey soo dhaweynta dadka Tahriibta ku gala Yurub. Waxaana la ogeyn in booqashadiisa waxa ay ka bedali doonto xiisada u dhaxeysa muslimiinta iyo masiixiyiinta ku dhaqan Masar.
Xiisada ka taagan dalka Masar ayaa waxaa lagu sheega in badan inay salka ku heyso ficilada Militariga dalkaasi oo Inqilaabka xukunka ku qabsaday,taasi oo u sahashay kooxaha hubeysan inay taageero ka helaan qeybo kamid ah shacabka kasoo horjeeda xukunka Al Sisi.
Comments are closed