Kuuriyada Waqooyi oo markale gantaal ay tuurtay hawada ku qarxay

K/waqooyi (estvlive) 29/04/2017

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa markale tijaabisay mid kamid ah Gantaaladeeda ridada dheer balse waxaa lagu soo warmayaa in gantaalkaasi uu hawada ku qarxay daqiiqado kadib iyadoo la rumeysan yahay in tijaabadaasi lagu fashilay.

Arrintan ayaa imaaneysa xili Maraykanka ku goodinayo inuu tilaabo militari ka qaadi doono Kuuriyada Waqooyi hadii ay sii wado tijaabinta hubkeeda Gantaalada iyo Nukliyeerka. Tijaabadan cusub ayaa u muuqata mid loogu jawaabayey Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Rex Tellirson oo shalay Ka qeyb galay kulankii Golaha Amaanka ee looga hadlay xiisada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in Maraykanka uu diyaar u yahay in wadahadal toos ah la galo dalkaasi, balse aan loo dulqaadan doonin ficilada xukuumada Kuuriyada Waqooyi.

Inkastoo la sheego in labadii tijaabo ee ugu danbeysay gantaalada Kuuriyada Waqooyi lagu fashilay, hadana tijaabooyinkan ayaa ah kuwo ay ka kororsadaan macluumaad dheeraad ah oo ay sare ugu sii qaadaan aqoontooda gantaalada, iyadoo yoolkoodu yahay inay helaan gantaal dhameystiran oo xambaari kara hubka Nikliyeerka oo tiiradiisu gaari garto dalka Maraykanka.

Comments are closed