Arrimaha ay ugu waaweyn ee DF Soomaaliya iyo beesha caalamka ay wadahadlayaan si go’aan mideysan looga gaaro ka hor shirka London ayaa waxaa ka mid ah Qorshaha Amniga, Ddib u habeynta dhaqaalaha iyo Kaalmada abaaraha, waxaa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.
‘’ Shirkan waxaa uu muhiim u yahay sidii beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ula tagi lahaayeen qorshe mideysan shirka London’’ ayuu yiri Michael Keating.
Marka aad eegto kulamada soconaya oo ah kuwo wajiyo badan laakiin dhamaantood ku saleysan shirka London iyo ajandaha iyo tahay in lala tago, ayaa waxaa ay muujinayaan in doorka beesha caalamka ee shirkan yahay mid aad u weyn.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa la filayaa in wada jir u guddoomiyaan shirka.
Comments are closed