” hubkan waxaa lagu soo qariyay Daasado caano-booro ah, baakado timid iyo kiishash timir ah, waxayna isugu jiraan Bastooladaha loo yaqaan Biljamka iyo nooca Dhabanacasta ah, waxaa loo waday hab ganacsi: ayuu yiri Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ilaaladda Dekeda oo magaciis qariyay.
Taliska Ciidamadda booliiska gobolka bari ayaan weli ka hadlin hubka la qabtay, tiradiisa iyo wax laga yeelayo, hase yeeshee ma ah markii u horraysay ee Dekeda Bosaso lagu qabto hub fudud oo si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyo Bosaso.
Gabagabadii, Tan iyo markii uu qarxay dagaalka dalka Yemen waxaa degaamadda Puntland ku soo qulqulayay hub fudud kaasi oo si kotorobaan ah lagaga soo dejiyo xeebaha Puntland, iyadoo hubkaasi marar badan loo adeegsaday in lagu fuliyo dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyay saraakiil sare oo ka tirsan Puntland iyo dad kale oo shacab.
Comments are closed