Qabridahare Saaka Siweyn loogu Xusay Sanadguuradii 7aad Ee Xuska 7aadka Cadaalada DDSI

Qabridahare (estvlive) 30/04/2017

Sanadguuradii 7aad ee xuska 7aadka cadaalada  ooy kasoo qayb galeen masuuliyiinta heer Gobol iyo heer degm oy ugu horeeyaan Gudoomiyha Gobolka Qoraxey Mudane Yusuf Adan yusuf iyo Gudomiyaha maxakamada sare ee Gobalka Qoraxey mudane Abdifatah mahamed iyo madaxa xafiiska xeer ilaalinta Gobalka Qoraxey Mudane Axmed Wali Ali Nuur, Kumishinka Booliska Gobolka Qoraxey Gaashaanle Dhaxe Shugri Faarax Xisri iyo Masuuliiyin kale iyo Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka iyo marti sharaf kalr.

 

Hadaba munaasabada  sanadguurada 7aad ee xuska  7aadka cadaalada ayaa waxaa ugu horayn ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey Mudane Yusuf Adan Yusuf  oo sheegay in maanta ay tahay maalin aad qaali u ah sababtoo ah waxaa degaanka Ka jira cadaalad iyo sinaan dhan walba ah, Wuxuu inta Kudaray Gudoomiyaha in si fiican Loo hirgaliyay nidaamka maxkamadeed iyo xeer ilaalin iyo cadaaladba iyagoo loo sameeyay xarunta Tababarada garsoora yaasha.

Waxa kale oo isana ka hadlay munaasabada Gudomiyaha maxakamada
sare ee Gobalka Qoraxey mudane Abdifatah mahamed Oo isana sheegay  inuu xuskani yahay xuskii 7aad ee 7aadka cadaalada ddsi isagoo dhamaanba laga Xusayo dalkeena Ethiopia kasoo halku dhag looga dhigay Nidaamka Dastuuriga ah ee Ku shisan Taagerida Adag ee Shacabka ayaan Hanaanka Maamulka Suuban Ku Hirgalineynaa Waana mid ka duwan xusaskii hore isagoo kaga duwan horumarka uu degaanka ku talaabsaday maanta Iyo iyadoo jirto sinaan iyo cadaalad aan nin jeclaysi lahayn.

Dhanka  kale waxa isana ka hadalay xuska madaxa xafiiska xeer ilaalinta Gobalka Qoraxey Mudane Axmed Wali Ali Nuur, isagoo soo jeediyay qudbad dhaxal gal ah oo dhan walba taabanaysa Isagoo sheegay inay  xuskani yahay kii 7aad ee ka dhaca dalka iyo degaankaba wuxuuna xusay in Xuskan loogu magacdaray Nidaamka Dastuuriga ah ee Ku shisan Taagerida Adag ee Shacabka ayaan Hanaanka Maamulka Suuban Ku Hirgalineynaa isagoo sheegay in Cadaalada maanta jirtaa ay kow ku timaaday halyeeyada liyuu booliska wuxuuna Mudane Axmed wali intaa ku daray  Inay kor u qaadeen haayadaha cadaalada iyagoo dhamaan lagu sameeyay dibu curasho sidoo kalana aan Qabanay tababaro xuquuqul insaanka ah nidaamka cadaaladeedna loo dhaadhiciyay ilaa heer tuulo ugu dabayna waxa uu xusay inuu degaanka maanta ka Jiro nidaam cadaaladeed sinaan iyo horumar aan soo noqosho lahayn in kor loo socdo mooyee.

Sidoo kale waxa iyana xuska ka hadlay qaar kamid ah odayaasha degaanka oo ka war bixiyay xaalada uu Degaanka ahaan jiray iyo xaaladu uu maanta yahay kuna saleeyay inay laba aad ukala fog yihiin sababtoo Waxa degaanka maanta ka jira cadaalad sinaan iyo horumar balse ay ku timid dadaal dheer oy Xukumadu u gashay siday shacabkeedu ay u heli lahaayeen horumar waaro ugana saari lahayeen Saboolnimadka oo ah cadowgeena koobaad ,sikastaba ha ahatee munaasaba sanaguurada 7aad ee Xuska 7aadka cadaalada ayaa si heer sare oo loogu xusay Magaalada Qabridahare ee Gobolka Qoraxey.

Wariye madaale Jigjiga Xafiiska Warqabadka

Email: estvnews@hotmail.com

Comments are closed