Hillary oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri haddii doorashadu dhici lahay 27 Oktoobar aniga ayaa noqon lahaa Madaxweynihiina, taas oo ku beegneyd maalin ka hor marka Agaasimaha FBI uu warqadda u direy Aqalka Senate-ka oo uu sheegay in ay heleen xog kale oo cusub oo la xiriirta emailkii sida gaarka ah ay u isticmaashey Hillary, waxaana si weyn uga faa’ideystey ninka guuleystey Trump oo markii hore xaalku ku xumaa.
Trump ayaa ida lagu barye bartiisa twitterka ugu jawaabey Hillary, isaga oo hadda ah Madaxweyne waxaana uu sheegay in Agaasimah FBI uu ixsaan u sameeyey Hillary, kadib markii uu cafiyey, sidoo kale wuxuu sheegay in warka Trump/Russia uu yahay cudur daar Dimoqraadigu isku dayaayo in ay ku qariyaan guuldaradoodi.
Comments are closed