Qaraxyo Lagu Qaaday Kolonyo Ciidamada NATO ee Afganistan

Mareykanka (estvlive) 03/05/2017

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyooday qarax xoog weyn oo lagu bartilmaameedsaday Kolonyo baabuur oo ay saarnaayeen Ciidamada Gaashaanbuurta NATO , kaasi oo ka dhacay goob aan ka fogayn Dhisme ay adeegsadaan Ciidamada NATO iyo  Xarunta  Safaaradda Maraykanka  ay ku leedahay  Caasimadda Wadankaasi ee Kabul,

Ismiidaamiyaha ayaa gaarigii uu watay oo walxaha qarxa lagu soo buuxiyay wuxuu ku qarxiyay kolonyada oo markaasi ku sugnaa bar kontorool Ciidamada difaaca qaranka (NSDS) , goor hore oo saaka ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ammaanka.

 

Weerarkan waxaa kaloo ku dhaawacmay 23 qof oo ay ku jiraan Saddex askari oo ka tirsan ciidamadda Marayknaka, iyadoo dadka qaarkood oo dhaawacyadoodu culus yihiin la dhigay labo Isbitaal oo ku yaal caasimadda Kabul

“Maydad ay waran wadooyinka, qaarkood waa ciidamadda difaaca qaranka afganistan, hadda booliska ayaa goobta ka shaqaynaya, caasimadana xaalad deg deg ah ayaa la galiyay” sidaa waxaa yiri  Abdul xaq oo ahaa goobjooge u waramay telefishanka Al-jazeera

 

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay inay ka dambeeyay weerarkaasi, hase yeeshee qaraxan wuxuu soo beegmayaa iyadoo kooxda Taalibaan ay ku dhawaaqday in xiligi xagaaga ah ay bilaabayaan weeraro ka dhan ah ciidamada Afganistan iyo xulafadooda reer Galbeedka.

Comments are closed