Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta booqashadiisa soo gaabinaya, waxaana uu dib ugu soo noqonayaa dalka Soomaaliya.
“Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas”, ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxaana uu sheegay in Cabaas uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN”, ayuu hdalkiisa uu sii raaciyay.
Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.
Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen, sidaasi waxaa yiri wasiirka warfaafinta.
Comments are closed