Marxuumka ayaa waxaa salaada Janaasada lagula tukadata masjid ku yaalla madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay salaada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda kale ee Qaranka, kadib waxaa loo qaaday qabuure ku yaalla isbitaal Madiina, halkaasi oo lagu aasay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadii ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo, wuxuuna ra’iisul wasaaraha sheegay in cadaalada la horkeeni doono raggii falkan ka dambeeyay.
Wasiirka ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo dhawaan uun ku soo biiray siyaasada, waxaana uu ka mid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Comments are closed