Madaxweyne Gaas oo ka hadlay mashaariicdan ayaa sheegay in ay wax weyn ka bedeli doonaan waxbarashada, Caafimaadka, Amniga iyo biyaha magaalada Gaalkacayo.
‘’waa mashruuc weyn oo ka kooban iskuulo, cusbitaal, saldhig Booliis, xafiisyadii gobolka iyo kan degmada, iyo ceel-biyoodyo, magaaladan oo ah runtii magaalo muhiima oo kutaala koonaha Puntland, micne weyn ugu fadhida difaaca iyo nabad gelyada Puntland in horumarku wax kasoo gaadho waa muhiim weeye’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.
Gagabadii Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mashruucdani lagu qiimayn doono hadba sida ay uga qayb qataan bulshada magaalada Gaalkacayo hirgelintooda iyo dardar gelinta dhamaystirka mashruuca
Comments are closed