xuskan todobaadka kulanwaynaha tartanka magaalooyinka dalka oo labadii sanaba halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada dalka ayaa waxa intii uu socaday diirada lagu saarayay qiimaynta barnaamiyada horumarka magaalooyinka waxaana laysku waydaar saday khibrad wadaag aqoon korodhsi iyo soo bandhig dood cilmiyeed ku qotoma horumarinta magaalooyinka iyada oo dhinaca kale la soo bandhiyay carwo bandhigeed ay magaalooyinku ku soo bandhigaan waxqabadkooda waxa ay magaalo kastaa caan ku tahay, waxaa intii uu socday xuskan todobaadka magaalooyinku la cabirayay awooda fulineed ee magaalooyinka.
Haddaba, soo xidhitaankii xuska 7aad ee todobaadka magaalooyinka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Raysal-wasaare ku xigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mukonen iyo wasiirka wasaarada horumarinta magaalooyinka iyo guriyaynta JDFI mudane Ambachaw Mukonen ayaa waxaa nooga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay xuskan wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri oo sheegay in uu xuskani sanadkan ay ku tartamayeen 231 magaalo ah oo ka mid ah magaalooyinka dalka laguna tartamayay waxqabadka magaalooyinka. wuxuuna sheegay wasiir ku xigeenku in dawlada deegaanka soomalida itoobiya oo ay sanadkan ugu qayb-galeen xuskan 30 magaalo oo ay sideed magaalo tartanka Ka qaybgaleen kuwaasi oo kaalin miisaan culus ka galay kaalmaha hore ee tartanka magaalooyinka. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in gabagabadii xuskii 7aad ee todobaadka magaalooyinka lagu gudoonsiiyay abaalmarino, shirkadaha yar yar ee shaqo abuurka loo sameeyay, wakaaladaha iyo shirkadihii ka qayb-qaatay abuuritaanka ilaha shaqada dalka. wasiirka ku xigeenka ayaa sheegay in deegaanka somalida itoobiya abaalmarino la gudoonsiiyay ilaa 5 shirkadood oo noqday hormuudka shirkadaha yar yar kuwaasi oo u gudbay shirkadaha dhexe sidoo kale waxa abaalmarin la siiyay hay’adaha lacagaha yar yar ee DDSI iyo kuliyada farsamada xirfadaha ee jigjiga kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaatay soo saaritaanka xirfadlayaasha iyo abuurida ilaha shaqada.
Wasiir ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay maamulka magaalada jigjiga oo tartan adag oo dhinac kasta leh la galay 10magaalo oo waawayn oo ku tartamayay martigalinta xuska 8aad ee todobaadka kulanwaynaha magalooyinka ay ku guulaysatay marigalinta xuska 8aad ee todobaadka magaalooyinka martigalintiisa magaalada jigjiga oo sanadka 2011TI lagu xusitoono caasimada DDSI ee jigjiga, wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in maamulka magaalada goday ay kaalinta 1aad u gashay magaalooyinka ay la tartamasay dhinaca dhinaca soo bandhiga suuqgaynta(city marketing).
Comments are closed