Madaxweyne Cabdi oo Kulan Layeeshay Shacabka Degmada Jinacsani Deegaanka Oromada

Jinacsani (estvlive) 07/05/2017

Wafti uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI Mudane  Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo wakiilka ka socda Madaxwaynaha Oromiya ahna hogaanka nabadgalyada ee Deegaanka Oromiya Mudane Dambalash ayaa maanta tagay degmada Jinacsani ee deegaanka Oromiya, halkaas oo lagu qabtay shir balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen bulshada degmada Jinacsani, kaas oo ku saabsanaa hirgalinta heshiiskii ay dhawaan kala sexeexdeen Dawlada Degaanka Somaalida Itoobiya iyo deegaanka aan walaalaha nahay ee Ismaamulka Deegaanka Oromiya.

 

Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goobtaas ka jeediyay Khudbad taariikhi ah islamarkaasna ku nuuxnuuxsaday in deegaanka Soomilida Itoobiya iyo Deegaanka Oromiya ay yihiin dad isku dhaqan ah, isku diin ah, walaalo ah islamarkaasna aan sina loo kala saari karin.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdi ayaa  wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo inay labada deegaan kuwada noolaadaan nabadgalyo iyo xasilooni waarta. Dadwaynihii shirwaynaha ka soo qaybgalay ayaa iyana si fiican u soo dhaweeyay aadna ugu riyaaqay qudbada Madaxwaynaha DDSI  islamarkaasna balan qaaday inay si buuxda u dhaqangalin doonaan heshiiskii ay dhawaan labada madaxwayne ku kala sexeexdeen Addis Ababa, shirkiina wuxuu ku soo gabagaboobay guul.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Odayaasha dhaqanka ee degmada  Jinacsani oo ay cadeeyeen in madaxweyne cabdi maxamuud cumar uu dadaal ku yareen sidii degmada Jinacsani ay uga mid noqon laheyd deegaanka somalida ee hashiiskii hore madaxweynihii DDSI Cabdi jabriil uu miiska yaalay in badan xukuumadda DDSI ay u cuntami weyday xukuumada DDSi uu hogaamin madaxweynaha DDSI Cabdi maxamuud Cumar waqtigan xaadirka ah waxey diyaar u yihiin in labada shacab ay ku wada noolaadaan daris wanaag isla markaana laga wada shaqeeyo iskaashiga ganacsiga iyo labada maamul sidii ay u abuuri lahaayeen xiriir wanaagsan

Ugu dambeyntii shacabka degmada ayaa aad ugu farxay khudbadii madaxweynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar islamarkaana balan qaadeen in heshiiskii labada madaxweyne ay dhaqan galin doonaan

Comments are closed