Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa eryay Mr Comey, waxaana uu ku eedeyey in uusan awood u laheyn in uu hay’addaasi hoggaamiyo.
James Comey, ayaa waxa uu baarayay wararka la xiriira suurta-gal-nimada in Ruushku uu xiriir la yeeshay xubno ka mid ahaa ololahihii doorashada ee Trump.
56-jirkan, ayaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa agasimaha hay’adda FBI-dda, waxaana ceyrintiisa ay ruxday dhamaan aqalka cad ee dalka Mareykanka.
Mr Trump ayaa warqad uu u qoray Mr Comey ku sheegay in uusan awoodin in uu sii hoggaamiyo hay’adda.
Labada xisbi ee dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay layaabanyihiin go’aanka Trump.
Comments are closed