Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay ms’uuliyiintii soo maray xukuumada deegaanka oo ay ugu horeeyaan madaxwayneyaashii hore ee deegaanka iyagoo si waaqici ah ucadeeyay xaaladii adkayd ee soo wajahday xiligoodii islamarkaana ay bogaadiyeen xaalada uu maanta deegaanku taagan yahay.
Sidoo kale waxaa galinkii hore maanta si wadajir loo booqday 200 ee booyadood ee ay dhawaan xukuumadu usoo iibisay inay ka jawaabaan xaalada bulshada deegaanka, Iyadoo madaxwaynaha DDSI iyo ergaduba aad oogu riyaaqeen islamarkaana uu madaxwaynuhu tijaabo kusameeyay tayada booyadahan oo mid aad usaraysa.
Ugu danbayna waxaa galinkii danbe maanta bilaabmay in laga dodo qodobadii uu madaxaynuhu shalay soo dhigay guriga islamarkaana uu gurigu kooxkoox ooga doodi doono qodobadaas lasoo dhigay.
Comments are closed