Waxaa uu sheegay in qorshahoodu yahay iyaga oo mideysan in ay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in wanaaga uu ku haray qurbo joogta, balse iyaga uu ku dambeeyo wali qabiilka, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in laga gudbo kala qaybsanaanta.
Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in Midnimo iyo walaalnimo ku wada socdaan dhammaan Madaxda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shirka London, waxaana uu sheegay in shirkaa uu ku hogaaminayo madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in ay ku wada socdaan hal hadaf, islamarkaana dhammaan madaxda Soomaalida ay uga danbeeyaa arimaha shirka madaxweynaha Qaranka.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka UK ay ka shaqeeyaan Midnimada umadda Soomaaliyeed sidoo kalana ay qabiilka ka dheeraadaan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo nabadgelyo, isla markaana al-Shabaab laga saaro dalka oo dhan
Comments are closed