Maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshe uu hirgalintiisa fulinayo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah hagaha farsamooyinka naaxinta ee nidaamka quudinta dheeriga ah ee xoolaha deegaanka, si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwa si fiican ay uga faa’iidaystaan bulshada xoolo dhaqatadu khayraadkood gaar ahaan dhinaca suuqgaynta caalamka iyo dalkaba islamarkaana ay xooluhu u noqdaan kuwa u adkaysta xaaladaha abaarta. Maareeyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay habka xoolo dhaqatada looga dhigo kuwo soo saari kara xoolo tayadooda iyo miisaankoodu yahay kuwa ugu fiican suuqyada caalamka si bulshada deegaanka looga faa’iideeyo nidaamyada casriga ah ee naaxinta quudinta dheeriga ah ee xoolaha ayaa machadka cilmibaadhista DDSI uu dadaal xoogan ugu jiraa hirgalinta gaadhsiinta bulshada xoolo dhaqatada farsamooyinkaasi casriga ah kaasi oo mudda yar xoolaha lagaga dhigayo kuwa tayadooda iyo miisaankooduba aad u sareeyaan.
Ugu danbayntii maareeyaha ayaa tilmaan dheerka bixiyay in machadka cilmibaadhista DDSI xooga saarayo soo saarida, fulinta qorshyaal iyo daraasaadyo cusub ku salaysan horumarinta ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha iyo beeraha kuna salaysan istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ee lagaga gaashaamanayo abaaraha korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka.
Comments are closed